Puntland Health Professionals Council

Call Website Contact the business

Puntland Health Professionals Council Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Puntland Health Professionals Council, Medical and health, Global Road, Garowe.

The goal of the PHPC to protect the public and promote their wellbeing by setting high standard of ethical conduct and provide quality education, training and professional competencies among all the registered professional personnel in Puntland.

GUDDIGA XIRFADLAYAASHA CAAFIMAADKA PUNTLAND OO DAAHFURAY ISDIIWAANGELINTA MIHNADELAYAASHA CAAFIMAADKA GOBOLKA BARIBoosaa...
29/10/2026

GUDDIGA XIRFADLAYAASHA CAAFIMAADKA PUNTLAND OO DAAHFURAY ISDIIWAANGELINTA MIHNADELAYAASHA CAAFIMAADKA GOBOLKA BARI

Boosaaso: Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland ayaa si rasmi ah u daahfuray isdiiwaangelinta mihnadlayaasha caafimaadka ee Gobolka Bari.

Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Maxamed Xuseen Aadan, ayaa Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Bari kaga dhawaaqay bilowga diiwaangelinta, isaga oo dhammaan mihnadlayaasha caafimaadka ee gobolka ugu baaqay inay soo gudbiyaan dukumentiyada looga baahan yahay si ay u qaataan rukhsadaha mihnaddooda.

Diiwaangelintan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu nidaaminayo mihnadaha caafimaadka iyo tayeynta adeegyada caafimaadka Puntland.

Dhanka kale, Guddigu wuxuu bogaadin iyo mahadnaq u jeediyey Maamulka Caafimaadka Gobolka Bari iyo Agaasinka Isbitaalka Guud ee Degmada Boosaaso, wada-shaqaynta iyo taageerada hagar la’aanta ah ee ay la muujiyeen guddiga.

GUDDIGA XIRFADLAYAASHA CAAFIMAADKA PUNTLAND OO KORMEER KU SAMEEYAY XARUNTA CUSUB EE SOMALI EUROPEAN HOSPITAL (SEH)Guddig...
28/10/2026

GUDDIGA XIRFADLAYAASHA CAAFIMAADKA PUNTLAND OO KORMEER KU SAMEEYAY XARUNTA CUSUB EE SOMALI EUROPEAN HOSPITAL (SEH)

Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland (Puntland Health Professionals Council – PHPC), oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Mohamed Hussein Sardheeye, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay xarunta cusub ee Somali European Hospital (SEH) ee magaalada Garoowe, ka hor munaasabaddii xarig-jarka xarunta.

Intii uu kormeerku socday, guddiga ayaa kulan la qaatay maamulka isbitaalka, iyagoo indho-indheeyay qaybaha kala duwan ee xarunta cusub, isla markaana qiimeeyay tayada, tirada iyo diyaargarowga qalabka iyo agabka caafimaad ee isbitaalka.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland uu ku xaqiijinayo tayada adeegyada caafimaadka, ilaalinta heerarka xirfadeed iyo kor u qaadista badqabka bukaannada.

Puntland Health Professionals Council (PHPC) – U taagan tayada, hufnaanta iyo horumarinta adeegyada caafimaadka Puntland.

Guddigga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland oo Waraaq ogaysiis ah u geeyey xarumaha Caafimaad ee gaarka loo leeyahay ee...
10/10/2026

Guddigga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland oo Waraaq ogaysiis ah u geeyey xarumaha Caafimaad ee gaarka loo leeyahay ee magaalada Garoowe. Warqaddan oo xarumaha lagu ogaysiinayo inay soo diiwaan gaaliyaan dhammaan mihnadlayaasha Caafimaad ee ka howl gala xarun walba ayaa xarumaha loogu qabtay waqti K**a danbays ah oo ah 21 da bishaan Octoober 2026. Dhammaan isbitaallada iyo xarumaha Caafimaad ee guddigu booqday ayaa soo dhaweeyey kana fusion waraaqdii ogaysiiska ee guddigu siday.
Dhammaan waxaa lagu wargalinayaa Xarumaha inay diyaar ahadaan xilliga loo yimaadana Guddiga la Shaqeeyaan.

08/10/2026

Guddigga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland oo Waraaq ogaysiis ah u geeyey xarumaha Caafimaad ee gaarka loo leeyahay ee magaalada Garoowe. Warqaddan oo xarumaha lagu ogaysiinayo inay soo diiwaan gaaliyaan dhammaan mihnadlayaasha Caafimaad ee ka howl gala xarun walba ayaa xarumaha loogu qabtay waqti K**a danbays ah oo ah 21 da bishaan Octoober 2026. Dhammaan isbitaallada iyo xarumaha Caafimaad ee guddigu booqday ayaa soo dhaweeyey kana fusion waraaqdii ogaysiiska ee guddigu siday.
Dhammaan waxaa lagu wargalinayaa Xarumaha inay diyaar ahadaan xilliga loo yimaadana Guddiga la Shaqeeyaan.

Farriin kusocota dhammaan xarumaha Caafimaadka gaarka loo leeyahay ee ka howl gala deegaannada Puntland.
06/10/2026

Farriin kusocota dhammaan xarumaha Caafimaadka gaarka loo leeyahay ee ka howl gala deegaannada Puntland.

GUDDIGA XIRFADLAYAASHA CAAFIMAADKA PUNTLAND OO BOOQDAY XARUNTA DHEXE EE GARSOORKA DOWLADDA PUNTLANDGaroowe | 09 Sebteemb...
09/09/2026

GUDDIGA XIRFADLAYAASHA CAAFIMAADKA PUNTLAND OO BOOQDAY XARUNTA DHEXE EE GARSOORKA DOWLADDA PUNTLAND

Garoowe | 09 Sebteembar 2026: Guddoomiyaha Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland, Mudane Mohamed Hussein Adam, oo ay weheliyaan Xoghayaha Guddiga, Mudane Axmad Kilwe, iyo La-taliyaha Dhanka Sharciga ee Guddiga, Mudane Sakariye Mohamed, ayaa booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Garsoorka Dowladda Puntland.

Mas’uuliyiinta Guddiga ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Maxk**adda Sare ee Dowladda Puntland iyo qaar kamid ah garsoorayaasha Maxk**adda Sare. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta iyo isku-xirka hay’adaha, gaar ahaan arrimaha iyo kiisaska la xiriira caafimaadka iyo xirfadlayaasha caafimaadka.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland uu ku xoojinayo wada-shaqaynta hay’adaha ay khuseyso, si loo horumariyo nidaamka sharciga iyo isla-xisaabtanka la xiriira adeegyada iyo xirfadda caafimaadka Puntland.

-DHAMAAD-

08/09/2026

Gudduga xirfadlayaasha Caafimaafka Puntland oo soo saaray wareegto ka kooban saddex qodob:

1. Laga bilaabo 7/9/2026 uusan dhakhtar Ajnabi ah ka howl gali karin gudaha Puntland isagoo aan qaadan rukhsadda dhakhtarnimo lana hubin dikumiintigiisa waxbarasho iyo shaqo.

2. In aan la furi karin goob Caafimaad oo aan la hubin sidoo kale rukhsad aan guddiga ka qaadan laga bilaabo taariikhda kor ku xusan.

3. In aan Mihnadle Caafimaad laga ogolaanayn inuu ku shaqeeyo wixii uu bartay oo rukhsadda ku qaatay waxaan ahayn.

Guddoomiyaha Guddiga xirfadlayaasha Caafimaafka Puntaland Dr Maxamed Xuseen Aadan ayaa farriinta jeedinaya.

26/08/2026

Guddoomiye ku xigeenka Ururka Dhakhaatiirta Puntland Dr Maxamed Cabdulqaadir oo rukhsaddiisa dhakhtarnimo ka gudduumay Guddiga xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland.

GUddoomiyaha Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland Dr Maxamed Xuseen Aadan iyo Xooghayaha Guddiga Axmad Kilwe ayaa guddoonsiiyay rukhsadda Guddoomiye ku xigeenka.

Guddiga wuxuu ururka dhakhaatiirta uga mahadcelinayaa wada shaqaynta iyo dardargalinta shaqoyinka socda. Sidoo kalana dhammaan dhakhaatiirta waxaa lagu wargalinayaa inay isasoo diiwaan galiyaan.

Ujeedkeennu waa caafimaadka bulshada oo hagaaga, helana adeeggii saxda ahaa.

Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland oo kulan la qaatay Guddiga Tacliinta Sare ee PuntlandGaroowe, 4 Agoosto 2026...
04/08/2026

Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland oo kulan la qaatay Guddiga Tacliinta Sare ee Puntland

Garoowe, 4 Agoosto 2026: Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Guddiga Tacliinta Sare ee Puntland, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo horumarinta tayada waxbarashada caafimaadka ee Puntland.

Kulanka ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyey qodobbadan muhiimka ah:
1. Manhajka kulliyadaha caafimaadka ee jaamacadaha kala duwan.
2. Aqoonsiga macaahidda iyo xarumaha lagu bixiyo waxbarashada caafimaadka.
3. Imtixaannada k**a dambaysta ah ee ardayda caafimaadka, gaar ahaan Clinical Examinations.
4. Tababarka shaqo (Internships) ee ardayda ka qalin-jabisa kulliyadaha caafimaadka.

Labada guddi waxay isku raaceen in si dhow oo wadajir ah looga shaqeeyo dhammaan qodobadan, iyadoo ujeeddadu tahay kor u qaadidda tayada waxbarashada caafimaadka, tayeynta xirfadlayaasha caafimaadka, iyo xaqiijinta in bulshada Puntland ay helaan adeegyo caafimaad oo ku dhisan aqoon iyo xirfad sare.

Address

Global Road
Garowe
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Puntland Health Professionals Council posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Puntland Health Professionals Council:

Shortcuts

Share