Isbitaalka Xoogga

Website

Isbitaalka Xoogga Bogga rasmiga ah ee Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Tababar Caafimaad oo loo soo xiray Dhakhaatiirta Isbitaalka Xoogga iyo Level 2 AUSSOMBrigadier General Ivan Falasca, Tal...
22/10/2026

Tababar Caafimaad oo loo soo xiray Dhakhaatiirta Isbitaalka Xoogga iyo Level 2 AUSSOM

Brigadier General Ivan Falasca, Taliyaha Ciidanka Hawlgalka EUTM-S, iyo Capt. Mustafa Hussein, Agaasimaha Isbitaalka Xoogga, ayaa si wadajir ah u soo xiray tababar ku saabsan maaraynta dhaawacyada culus ee dagaalka (Penetrating Trauma Management), kaas oo ay ka faa’iideysteen dhakhaatiirta Isbitaalka Xoogga iyo dhakhaatiirta Level 2 AUSSOM.

Tababarkan waxaa bixiyey Major Paolo Mascolo, Professor ku takhasusay Qalliinka Guud (General Surgery), waxaana diiradda lagu saaray xoojinta xirfadaha maaraynta dhaawacyada dagaalka iyo Damage Control Surgery, si kor loogu qaado tayada adeegyada caafimaadka loona badbaadiyo nolosha askarta dhaawacanta.

Agaasimaha Isbitaalka Xoogga ayaa uga mahadceliyey EUTM-S taageerada joogtada ah ee ay ku bixiso horumarinta xirfadaha shaqaalaha caafimaadka iyo xoojinta iskaashiga caafimaadka CXDS.

18/10/2026

Dr. Faduma Yusuf
Madaxa qeybta Qaliimada Guud (General Surgery)

18/10/2026

Dr. Faduma Abdisamad
Agaasime ku Xigeenka Isbitalka Xoogga.
World Trauma Day 2026

CILMI-BAARIS IYO TABABAR CAAFIMAADMaanta, Isbitaalka Xoogga waxaa ka qabsoomay kulan aqooneed ku saabsan Vascular Injury...
18/10/2026

CILMI-BAARIS IYO TABABAR CAAFIMAAD

Maanta, Isbitaalka Xoogga waxaa ka qabsoomay kulan aqooneed ku saabsan Vascular Injury (Dhaawacyada Xididada Dhiigga), kaas oo uu soo jeediyay Dr. Abdirahman Warsame Ali, oo marti sharaf u ahaa bahda Isbitaalka Xoogga.

Mawduucan ayaa muhiimad weyn u leh dhakhaatiirta, gaar ahaan fahamka, ogaanshaha dagdaga ah iyo maaraynta dhaawacyada xididada dhiigga, kuwaas oo u baahan xirfad caafimaad iyo go'aan-qaadasho dagdag ah si loo badbaadiyo nolosha bukaanka.

Kulankan wuxuu qayb ka yahay dadaalada Isbitaalka Xoogga ee lagu xoojinayo aqoonta, xirfadaha caafimaad iyo horumarinta waxbarashada joogtada ah ee bahda caafimaadka.

Waxaan uga mahadcelinaynaa Dr. Abdirahman Warsame waqtigiisa iyo aqoonta uu la wadaagay Dhakhaatirta Isbitaalka.

17/10/2026

ISBITAALKA XOOGGA OO XUSAY MAALINTA CAALAMIGA AH EE DHAWACYADA – WORLD TRAUMA DAY 2026

Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa qabtay munaasabad lagu xusay Maalinta Caalamiga ah ee Dhaawacyada (World Trauma Day 2026), taas oo diiradda lagu saaray muhiimadda daryeelka dhaawacyada jirka iyo nafsiga ah, gurmadka degdegga ah, iyo kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha caafimaadka.

ISBITAALKA XOOGGA OO XUSAY MAALINTA CAALAMIGA AH EE DHAWACYADA – WORLD TRAUMA DAY 2026Isbitaalka Xoogga ayaa qabtay muna...
17/10/2026

ISBITAALKA XOOGGA OO XUSAY MAALINTA CAALAMIGA AH EE DHAWACYADA – WORLD TRAUMA DAY 2026

Isbitaalka Xoogga ayaa qabtay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Dhaawacyada (World Trauma Day), taas oo diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay daryeelka dhaawacyada jirka (Physical Trauma Care) iyo dhaawacyada nafsiga ah (Psychological Trauma Care).

Munaasabadda ayaa lagu dhiirigeliyay kor u qaadista wacyiga, aqoonta iyo xirfadaha caafimaad ee la xiriira ka hortaga dhaawacyada, gurmadka dagdaga ah, daaweynta bukaanada dhaawacmay iyo taageerada caafimaadka maskaxda ee dadka ay dhaawacyadu saameeyeen.

Daryeelka dhaawacu kuma koobna bogsiinta jirka oo keliya; wuxuu sidoo kale u baahan yahay daryeelka maskaxda iyo nafta.

Isbitaalka Xoogga wuxuu sii xoojinayaa dadaalada lagu horumarinayo tayada adeegyada caafimaadka, aqoonta xirfadlayaasha caafimaadka iyo diyaar-garowga gurmadka dhaawacyada, gaar ahaan xaaladaha dagdaga ah iyo dhaawacyada ka dhasha xabadaha & qaraxyada.

World Trauma Day 2026 – Every Second Counts, Every Life Matters.







ISBITAALKA XOOGGA KULANKA MADAX QEYBEEDYADA OO LAGU XOOJIYEY MUHIIMADA AQOONTA IYO ISLA XISAABTANKA.Maanta, waxaa qabsoo...
12/10/2026

ISBITAALKA XOOGGA KULANKA MADAX QEYBEEDYADA OO LAGU XOOJIYEY MUHIIMADA AQOONTA IYO ISLA XISAABTANKA.

Maanta, waxaa qabsoomay Shirka Madax-qeybeedyada Isbitaalka Xoogga, kaas oo lagu soo bandhigay guulihii la gaaray bishii September iyo hirgelinta Xarunta Waxbarashada, Tababarka iyo isla xisaabtanka HR ka.

Maamulka Isbitaalka ayaa caddeeyay in halbeega shaqada iyo horumarka Isbitaalku uu yahay AQOON, KARTI IYO XIRFAD.

Waxaa la adkeeyay in qof kasta oo mustaqbalka ku soo biira Isbitaalka Xoogga uu noqdo xirfadle buuxin kara, lana jaanqaadi kara halbeegyada aqooneed, xirfadeed iyo anshaxeed ee Isbitaalka.

Sidoo kale, waxaa xoogga la saaray Waxbarashada, Tababarka iyo Cilmi-baarista, si loo horumariyo awoodda shaqaalaha, kor loogu qaado tayada adeegyada caafimaadka, loona abuuro dhaqan shaqo oo ku dhisan aqoon iyo horumar joogto ah.

Isbitaalka Xoogga wuxuu u jihaysan yahay heer cusub oo shaqaaluhu ku qiimeysnaadaan aqoontooda, kartidooda iyo xirfaddooda.

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Xoogga Dalka, Dhamme. Dr. Mustafa Hussein Abdulle, oo safar shaqo ku jooga dalka Talyaanig...
08/10/2026

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Xoogga Dalka, Dhamme. Dr. Mustafa Hussein Abdulle, oo safar shaqo ku jooga dalka Talyaaniga, ayaa maanta booqday Isbitaalka Guud ee Ciidanka Talyaaniga ee POLICLINICO MILITARE DI ROMA “CELIO”.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Agaasimaha ayaa kulan la qaatay dhiggiisa, Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Ciidanka Talyaaniga, Brig. General. ALGIER.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada isbitaal, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, tababarka iyo isdhaafsiga khibradaha, si loo horumariyo adeegyada caafimaad ee ciidamada.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga caafimaad ee u dhexeeya Isbitalada Ciidamada iyo Isbitalka Xoogga.

Agaasimaha Isbitaalka Xoogga ayaa booqasho rasmi ah ku tagay LIFE – Santa Lucia Clinic ee dalka Talyaaniga Roma, halkaas...
06/10/2026

Agaasimaha Isbitaalka Xoogga ayaa booqasho rasmi ah ku tagay LIFE – Santa Lucia Clinic ee dalka Talyaaniga Roma, halkaas oo si diirran ugu soo dhaweeyey Agaasimaha Isbitaalka Santa Lucia.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen dhakhaatiir ka kala socotay labada isbitaal, ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga caafimaad ee mustaqbalka dhow, gaar ahaan dib-u-howlgalinta dhaawacyada (Post-Traumatic Rehabilitation), Speech Therapy, tababarada, kobcinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha caafimaadka Xoogga

Labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii ambaqaado mashruuc iskaashi oo ballaaran oo la qorsheynayo inuu bilowdo sanadka 2027, kaas oo lagu horumarinayo adeegyada Rehabilitation-ka iyo awoodda caafimaad ee Isbitaalka Xoogga, si uu mustaqbalka kaalin muuqata uga qaato adeegyada caafimaad ee ciidanka iyo bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Agaasimaha Isbitaalka Xoogga ayaa Agaasimaha LIFE – Santa Lucia Clinic guddoonsiiyey astaanta iyo logo-ga Isbitaalka Xoogga, taas oo muujinaysa xiriirka iyo iskaashiga sii xoogeysanaya ee labada dhinac.

Agaasimaha Isbitaalka Xoogga, uu wehliyo dhaqtarka qalimada Guud oo safar shaqo ku jooga magaalada Roma ee dalka Talyaan...
03/10/2026

Agaasimaha Isbitaalka Xoogga, uu wehliyo dhaqtarka qalimada Guud oo safar shaqo ku jooga magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, ayaa ka qeybgalay daahfurka buugga aqooneed “A Feasible Surgery in the Other Africa”, oo lagu daahfurey magaalada Roma.

Bandhiga buuggan oo diiradda lagu saaray horumarinta aqoonta iyo adeegyada qalliinka, isla markaana lagu soo bandhigay waayo-aragnimada iyo waxqabadka qaar ka mid ah isbitaallada ku yaalla Afrika, gaar ahaan Bariga Afrika, waxaa qeyb ka qaatay Dhakhtarka Qalliinka Guud ee Isbitaalka Xoogga, isaga oo kaashanaya ERU-da Isbitaalka Xoogga. Munaasabadda daahfurka waxaa hoggaaminayey East Africa Laparoendoscopic Surgical School (EALSS).

Kadib bandhigga buugga, Agaasimaha Isbitaalka Xoogga ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay maamulka EALSS, iyadoo kulamada looga hadlay xoojinta dhinaca caafimaadka, helitaanka qalab caafimaad oo muhiim ah iyo tababarro, kuwaas oo wax ka tari kara horumarinta adeegyada qalliinka ee Isbitaalka Xoogga.

Address

Hodan District
Mogadishu
0025

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Isbitaalka Xoogga posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share