30/06/2026
waxaa sharaf weyn noo ahayd inaan ka mid noqonno,Tuberculosis Multidisciplinary Symposium 2026, oo lagu qabtay Isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan ee Muqdisho, oo ah isbitaalka ugu weyn Soomaaliya. Madashan ayaa sidoo kale lagu xusay sanad-guuradii labaad ee Waaxda Qaaxada (TBMU).
Kulankan cilmiyeed waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka socday Ministry of Health- Somalia The Global Fund , dhaqaatiir, khubaro, cilmi-baarayaal iyo xirfadlayaal caafimaad oo ka kala yimid hay'ado kala duwan, kuwaas oo soo bandhigay cilmi-baarisyo iyo aqoon isweydaarsi muhiim u ah horumarinta adeegyada la dagaallanka qaaxada.
Hussein Haji oo matalaya Beta Care Diagnostic Ltd, waxa uu soo bandhignay mowduuc muhiim ah oo cinwaankiisu ahaa:
"Muhiimadda Ogaanshaha H**e ee Qaaxada Qarsoon (Latent Tuberculosis Infection - LTBI) iyadoo la adeegsanayo TB-IGRA."
TB-IGRA test waa oo ay soo saartay bioMérieux, halka Beta Care Diagnostic Ltd ay tahay wakiilka rasmiga ah ee shirkaddaas ee Soomaaliya.
Waxaan uga mahadcelineynaa maamulka isbitaalka iyo dhammaan qabanqaabiyeyaasha fursadda ay na siiyeen inaan ka qeyb qaadanno madal cilmiyeedkan qiimaha badan. Beta Care waxay sii wadi doontaa inay dalka keento xalal casri ah oo lagu horumarinayo baaritaannada caafimaadka iyo tayada adeegyada shaybaarrada.
Beta Care Diagnostic Ltd – Bringing Advanced Diagnostics Closer to Somalia.