Daryeelka Caafimadka

Directions Contact the business

Daryeelka Caafimadka Xog caafimaad โ€ข Waxbarasho โ€ข Wacyigelin ๐Ÿง ๐Ÿฉบ

Nala soco si aad u hesho xog caafimaad oo muhiim ah.

๐Ÿ‘‰ Follow for more health education & awareness.

You will get from this page a comprehensive medical knowledge of human health that will enable you to have a thorough understanding of the various systems of human health and medical conditions.

15/09/2026
Ma kamid tahay dadka la dhibban ama h**e u soo maray xaaladdan ama ilmahaaga ma ku dhacay?      ๐Ÿ‘‡Xaaladdan waxaa caafima...
13/09/2026

Ma kamid tahay dadka la dhibban ama h**e u soo maray xaaladdan ama ilmahaaga ma ku dhacay?
๐Ÿ‘‡
Xaaladdan waxaa caafimaad ahaan loo yaqaan Herpes Labialis, waxaana badanaa keena Herpes Simplex Virus-1 (HSV-1).
Badanaa wuxuu keenaa finan yaryar oo dareere leh oo ka soo baxa dibnaha ama hareerahooda.

Wuxuu leeyahay cuncun, qandho, xanuun iyo finan yaryar oo dareere leh agagaarka dibnaha.

Fayrasku wuxuu ku sii jiri karaa jidhka muddo dheer, mararka qaarna dib ayuu u soo laaban karaa.

Fayrasku jidhka ayuu ku sii jiri karaa, mararka qaarkoodna dib ayuu u soo laaban karaa.

Sidee ayuu ku gudbaa?

Cudurkan HSV-1 wuxuu ku gudbi karaa taabasho toos ah, gaar ahaan marka finanku firfircoon yihiin.

Marka iska ilaali dhunkashada ama wadaagista koobabka iyo qaadooyinka wax lagu cuno.

๐Ÿ‘‰ Qofka qaba herpes firfircoon waa inuu ka fogaadaa dhunkashada carruurta, maadaama uu u keeni karo infekshan halis ah. โš ๏ธ

Daaweyntu sidee tahay?

Badanaa wuxuu ku bogsadaa 1โ€“2 toddobaad gudahood ah, laakiin haddii uu aad u daran yahay ama marar badan soo noqnoqdo, dhakhtar ayaa qiimeyn kara isticmaalka daawooyinka antiviral-ka sida Acyclovir ama Valacyclovir.

Balse wacyigelintu waa tallaabada koowaad ee ka hortagga faafitaanka infekshannada.

๐Ÿฉธ Ma taqaannaa nooca dhiiggaagaโ“
13/09/2026

๐Ÿฉธ Ma taqaannaa nooca dhiiggaagaโ“

Dhaqamada Bulshada iyo Caafimaadka CarruurtaIntii aan ku guda jiray shaqada caafimaadka, waxaan arkay dhaqamo kala duwan...
12/09/2026

Dhaqamada Bulshada iyo Caafimaadka Carruurta

Intii aan ku guda jiray shaqada caafimaadka, waxaan arkay dhaqamo kala duwan oo carruurta loo adeegsado, iyadoo waalidiintu aaminsan yihiin inay caafimaad u leeyihiin. Tusaale ahaan, ๐™ข๐™–๐™ง๐™ค ๐™ข๐™ž๐™จ๐™ ๐™–๐™๐™–/๐™™๐™๐™š๐™ญ๐™™๐™– ๐™ก๐™ค๐™ค๐™œ๐™ช ๐™™๐™ช๐™ช๐™—๐™ค iyo ๐™ฆ๐™–๐™ง๐™™๐™๐™–๐™–๐™จ ๐™ฆ๐™ค๐™ค๐™ง๐™ฉ๐™– ๐™ก๐™ค๐™ค๐™œ๐™ช ๐™ญ๐™ž๐™™๐™๐™ค.

๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ฑ๐—ถ๐—ถ๐—ป๐˜๐˜‚ ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐˜†๐—ถ๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—ป?

Maradu inay xoojiso miskaha iyo lafaha, kana hortagto lugaha qalloocan.
Qardhaastu inay ilmaha ka ilaaliso cudurro iyo waxyeellooyin.

๐—”๐—ฟ๐—ฎ๐—ด๐˜๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ ๐—–๐—ถ๐—น๐—บ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐˜‚ ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐˜† ๐—Ÿ๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ถ๐—ต๐—ถ๐—ถ๐—ป?

Sida caadiga ah miskaha iyo lugaha ilmaha waxay u baahan yihiin ๐™™๐™๐™–๐™ฆ๐™™๐™๐™–๐™ฆ๐™–๐™–๐™ฆ ๐™ญ๐™ค๐™ง ๐™–๐™ oo dabiici ah.
โœบ Duubista adag ee miskaha si loogu xoojiyo lafaha ma aha mid caafimaad ahaan lagu taliyo, waxayna xaddidi kartaa dhaqdhaqaaqa dabiiciga ah ee ilmaha taas oo keeni kartaa khatar caafimaad.
โœบ ๐™Œ๐™–๐™ง๐™™๐™๐™–๐™–๐™จ๐™ฉ๐™– ๐™ฆ๐™ค๐™ค๐™ง๐™ฉ๐™–: ma jirto caddeyn caafimaad oo muujinaysa inay ka hortagto ama daaweyso cudurro. Waxaa intaas dheer, wax kasta oo qoorta ilmaha lagu xiro waxay khatar ku yihiin neefsashada, gaar ahaan xilliga hurdada.

๐——๐—ผ๐—ผ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ซ๐—ถ๐—ฟ๐—ณ๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ

Ujeeddadu ma aha in la cambaareeyo ama la yaso dhaqamada bulshada, balse waa in la ixtiraamo waalidiinta, oo la fahmo aaminsanaantooda, kadibna la siiyo ๐™ฌ๐™–๐™˜๐™ฎ๐™ž๐™œ๐™š๐™ก๐™ž๐™ฃ ๐™ ๐™ช ๐™จ๐™–๐™ก๐™–๐™ฎ๐™จ๐™–๐™ฃ ๐™˜๐™–๐™™๐™™๐™š๐™ฎ๐™ฃ ๐™˜๐™–๐™–๐™›๐™ž๐™ข๐™–๐™–๐™™, iyadoo laga digayo khatar kasta oo ilmaha soo gaari karta.

Dhinaca kale waxaa muhiim ah in dhaqan kasta oo bulshada ka jira loo qaadan karin inuu caafimaad yahay sababtoo ah dadka ayaa aaminsan. Dhaqanka waa la ixtiraamaa, laakiin badbaadada iyo caafimaadka ilmaha waa in lagu saleeyaa caddeyn caafimaad.
Duubis adag oo miskaha ah ama wax qoorta lagu xidho waxay keeni karaan khatar, mana jiraan caddeymo ku filan oo muujinaya inay daaweyn ama ka hortagaan cudurro.

โ“ Suโ€™aal ku socota bulshada ๐Ÿ‘‡
Maxay bulshadeennu u aaminsan tahay in marada miskaha ama dhexda loogu duubo ilmaha, ama qardhaasta qoorta loogu xiro ay ilmaha u qabato?
๐Ÿ’ฌ Fikirkaaga iyo waayo-aragnimadaada bulshada la wadaag.
Jawaabihiinnu waxay naga caawin karaan inaan si wanaagsan u fahanno dhaqamada jira iyo sababta ay dadku u aaminsan yihiin.

10/08/2026

The smallest independent living unit is known as a cell.

Waxaan arkay qof hal il laโ€™ oo isha kale wax ku arka. Laakiin weli ma arag qof hal dheg wax ka maqla, halka dhegta kalen...
08/08/2026

Waxaan arkay qof hal il laโ€™ oo isha kale wax ku arka. Laakiin weli ma arag qof hal dheg wax ka maqla, halka dhegta kalena aanu wax ka maqli karin. ๐Ÿค”

Adigu ma aragtay qof sidaas ah? Maxaad u malaynaysaa sababta ay tani u dhici karto?

Maxaa Sababi Kara Timo-daadashada Madaxa (๐—”๐—น๐—ผ๐—ฝ๐—ฒ๐—ฐ๐—ถ๐—ฎ)?๐Ÿ”ดโ€ขโ•โ•โ•โ•โ•โ•โ•โ•โ•โ€ขโ€ขโ€ขโ€ขโ€ขโ€ขโ•โ•โ•โ•โ•โ•โ•โ•โ•โ•1. Marka koobaad waxaa keena Fangaska ku ...
08/08/2026

Maxaa Sababi Kara Timo-daadashada Madaxa (๐—”๐—น๐—ผ๐—ฝ๐—ฒ๐—ฐ๐—ถ๐—ฎ)?๐Ÿ”ดโ€ขโ•โ•โ•โ•โ•โ•โ•โ•โ•โ€ขโ€ขโ€ขโ€ขโ€ขโ€ขโ•โ•โ•โ•โ•โ•โ•โ•โ•โ•
1. Marka koobaad waxaa keena Fangaska ku dhaca maqaarka madaxa (๐™๐™ž๐™ฃ๐™š๐™– ๐™˜๐™–๐™ฅ๐™ž๐™ฉ๐™ž๐™จ), kaas oo sababi kara in timuhu daataan.

2. Difaaca jidhka oo si khaldan u weerara timaha (Alopecia areata), taas oo keenta in timuhu meelo ka mid ah madaxa ka soo dhacaan.

3. Waxyeello soo gaadha timaha ama maqaarka madaxa, (tusaale ahaan: kulayl aad u badan, kiimikooyin kala duwan oo timaha la mariyo, timaha oo si xoog ah loo jiido ama loo jajabiyo).

4. Waxay noqon kartaa calaamad ka mid ah cudurro kale, tusaale ahaan: cudurrada ku dhaca qanjirrada, sida; cudurka qanjidhka tayroodhka (Thyroid), yaraanta borotiinka, ama yaraanta macdanta birta (iron deficiency).

5. Waxyeello ka dhalata dawooyinka qaarkood (drug side effects), sida dawooyinka loo isticmaalo cudurka kansarka (chemotherapy), waxay sababi karaan in timuhu si weyn u daataan.

6. Mararka qaar hidde-side ahaan ayaa loo dhaxlaa, gaar ahaan marka daโ€™du sii korodho; ragga badankood waxaa ku dhici kara timo khafiifa oo si tartiib ah u daata ama u dhacaya. Tani waa mid dabiici ah oo hiddeโ€‘side ahaan (genetic) loo dhaxlo.

Reference source: An Evidence-Based Guide to the Diagnosis and Management of Hair Loss
(๐™Ž๐™ฅ๐™ง๐™ž๐™ฃ๐™œ๐™š๐™ง, 2026).

โ€œMa aaminsan tahay in dhakhaatiirtu kordhiyaan cimriga nolosha mise ay kordhiyaan xanuunka? Anigu waxaan odhan lahaa wax...
07/08/2026

โ€œMa aaminsan tahay in dhakhaatiirtu kordhiyaan cimriga nolosha mise ay kordhiyaan xanuunka? Anigu waxaan odhan lahaa waxay kordhiyaan xanuunka. Sabab? Sababtoo ah daawooyinku marnaba cudur ma bogsiiyaan. Haa, daawooyinku marnaba cudur ma daweeyaan.

Dabcan, xaalad degdeg ah daawo ayaa badbaadin karta nolosha, taasina shaki kuma jiro. Laakiin sida dhakhtar saaxiibkay ah (Internist) ii sheegay: โ€œDadku maanta cimri dheer bay ku nool yihiin.โ€ Dabadeedna isla markiiba wuxuu raaciyey: โ€œLaakiin tayada noloshoodu ma fiicna.โ€

Wuxuu sheegay inuu ka doorbidi lahaa inuu cimri gaaban ku noolaado nolol tayo leh, intii uu 20 sano ee ugu dambeysa noloshiisa ku qaadan lahaa silic iyo xanuun.

Sidaas darteed, aragtida ah in daawo loo baahan yahay si ay cudur u bogsiiso ayuu ku tilmaamay mid aan sax ahayn, isagoo sheegay in daawooyinku marnaba cudur aanay bogsiin, balse ay jiraan waxyaabo kale oo leh awoodda bogsiinta.โ€

Caafimaadka ๐Ÿ–๏ธ

๐—ค๐—ฎ๐—ป๐—ท๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ธ๐—ฎ (๐—˜๐—ป๐—ฑ๐—ผ๐—ฐ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐—ฒ-๐—ฆ๐˜†๐˜€๐˜๐—ฒ๐—บ)Marka jidhku la kulmo xaalado kala duwan sida korriinka, hurdada, gaajada, taranka, ...
05/08/2026

๐—ค๐—ฎ๐—ป๐—ท๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ธ๐—ฎ (๐—˜๐—ป๐—ฑ๐—ผ๐—ฐ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐—ฒ-๐—ฆ๐˜†๐˜€๐˜๐—ฒ๐—บ)

Marka jidhku la kulmo xaalado kala duwan sida korriinka, hurdada, gaajada, taranka, caqabado ama culays waxaa shaqo bilaaba nidaamka qanjidhada la yiraahdo ๐—ฒ๐—ป๐—ฑ๐—ผ๐—ฐ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐—ฒ ๐˜€๐˜†๐˜€๐˜๐—ฒ๐—บ'.

Qanjidhadani waxay dhiigga ku soo dex daayaan hormoonno kala duwan, kuwaas oo maamula hawlaha muhiimka ah ee jidhkeenna.

Nidaamkan Farriimaha jidhka waxaa hogaamiya qanjidhka la yiraahdo hypothalamus gland, waana agaasimaha guud ee qanjidhada jidhkeenna, kaas oo amarro toos ah u gudbiya pituitary gland. Pituitary-gu waa hoggaamiyaha labaad qanjidhada kaas oo amar siiya qanjidhada kale ee jidhka sida thyroid, adrenal glands, pancreas, iyo qanjidhada taranka (go**ds).

๐Ÿ‘‰ Hypothalamus โ†’ Pituitary โ†’ Qanjidhada kale โ†’ Hormoonno โ†’ Jidhka oo la falgala xaaladda markaas jirta.

Qanjidh kasta oo jidhkeenna ka mid ah wuxuu leeyahay door gaar ah:

TUSAALE
๐—ค๐—ฎ๐—ป๐—ท๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ธ๐—ฎ ๐—ง๐—ต๐˜†๐—ฟ๐—ผ๐—ถ๐—ฑ ๐—ด๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ (taayroodhka): Waxay maamulaan dheef-shiidka iyo isticmaalka tamarta.

๐—ค๐—ฎ๐—ป๐—ท๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ธ๐—ฎ ๐—ฃ๐—ฎ๐—ป๐—ฐ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฎ๐˜€ (ama Ganaca): Wuxuu maamulaa sonkorta dhiigga isagoo soo daaya dheecaannada insulin iyo glucagon.

๐—ค๐—ฎ๐—ป๐—ท๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ง๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ (Go**ds): Waxay soo saaraan hormoonnada taranka sida testosterone iyo estrogen.

๐—ค๐—ฎ๐—ป๐—ท๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—”๐—ฑ๐—ฟ๐—ฒ๐—ป๐—ฎ๐—น ๐—ด๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ๐˜€: Waxay soo daayaan hormoonno sida cortisol iyo adrenaline gaar ahaan marka uu jiro culays ama xaalad cabsi ah.

Tusaale:
Marka xaalad cusub ka bilaabato jidhkeennaโ€”wuxuu qofku dareemaa culays ama cadaadis jidheedโ€”waxaana laga yaabaa in ay keento isbeddello caafimaad.

Kadibna qanjidhakaโ€”๐™๐™ฎ๐™ฅ๐™ค๐™ฉ๐™๐™–๐™ก๐™–๐™ข๐™ช๐™จ-๐™ ๐™ช wuxuu amar siiyaa qanjidhka kale ee la yiraahdo ๐™ฅ๐™ž๐™ฉ๐™ช๐™ž๐™ฉ๐™–๐™ง๐™ฎ-๐™œ๐™–, kaas oo farriin u dira qanjidhada ๐™–๐™™๐™ง๐™š๐™ฃ๐™–๐™ก ๐™œ๐™ก๐™–๐™ฃ๐™™๐™จ si ay u soo daayaan dheecaanka '๐œ๐จ๐ซ๐ญ๐ข๐ฌ๐จ๐ฅ'. Hormoonkan cortisol wuxuu jidhka u diyaariyaa inuu la falgalo xaaladaha uu sugan yahay ama culayska. Kadibna wadnaha ayaa garaacma, dhiigguna wuu degdegaa, maskaxduna way feejignaataa. Marka xaaladdu degto, sheekadu way dhammaataa, hormoonnada ayaa yaraada, jidhkuna wuxuu ku soo noqdaa dheellitirkiisii caadiga ahaa (homeostasis).

Sheekadan gudaha jidhka ka socota waa mid joogto ah, waxayna hubisaa in jidhku ku jiro nidaam dheelitiran (๐—ต๐—ผ๐—บ๐—ฒ๐—ผ๐˜€๐˜๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐˜€).

Habkan cajiib ah wuxuu muujinayaa sida shaqada jidhkeennu isku xiran tahay.

Allah Akbar!

Address

Jijiga

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Daryeelka Caafimadka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Daryeelka Caafimadka:

Shortcuts

Share