27/08/2026
๐ข HIRGELINTA ADEEGGA DIGITAL X-RAY EE ISBITAALKA GALKAYO
Isbitaalka Galkayo waxa ka socda rakibidda iyo diyaarinta qalabka casriga ah ee Digital X-Ray, kaas oo markii ugu horreysay laga hirgelinayo isbitaalka.
Qalabkan muhiimka ah waxaa Isbitaalka Galkayo ugu deeqay Musharraxa Madaxweynaha Galmudug, H.E. Liibaan Xasan Axmed. Alle ha ka abaalmariyo taageeradan qiimaha badan.
Haddii Alle idmo, adeegga Digital X-Ray waxaa si rasmi ah loo hawlgelin doonaa maalmaha soo socda. Waxa uu gacan weyn ka geysan doonaa:
โ
Horumarinta baaritaannada caafimaadka
โ
Helidda sawirro tayo sare leh
โ
Dedejinta ogaanshaha cudurrada iyo dhaawacyada
โ
Xoojinta tayada adeegyada caafimaad ee bulshada
Maamulka iyo dhammaan shaqaalaha Isbitaalka Galkayo, oo ku hadlaya magaca bulshada, waxay si kal iyo laab ah ugu mahadcelinayaan H.E. Liibaan Xasan Axmed deeqdan muhiimka ah iyo taageerada uu u fidiyey horumarinta adeegyada caafimaadka.
Isbitaalka Galkayo
Galkayo, Galmudug โ Soomaaliya