Hargeisa Group Hospital

Directions

Hargeisa Group Hospital wadajir baan ugu adeegaynaa caafimaadka bulshada

Maamulka Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo Soo Dhaweeyay Shan Dhakhtar oo Dibadda Ugu Maqnaa Aqoon-korodhsiMaamulka Sare e...
21/10/2026

Maamulka Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo Soo Dhaweeyay Shan Dhakhtar oo Dibadda Ugu Maqnaa Aqoon-korodhsi

Maamulka Sare ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud, Dr. Axmedweli Daahir Xaddi, ayaa qado sharaf iyo soo dhawayn u sameeyay shan dhakhtar oo muddo dalka dibaddiisa ugu maqnaa aqoon-korodhsi iyo tababaro caafimaad oo heer sare ah.

Dhakhaatiirtan ayaa soo dhamaystay tababaro takhasusyo sare ah oo kala duwan, kuwaas oo kor u qaadi doona tayada adeegyada caafimaad ee uu cusbitaalku u hayo bulshada.

Dhakhaatiirta iyo takhasusyadoodu waa:

1. Dr. Saed Ahmed Ismail – Pulmonology and Critical Care Medicine Subspecialty Training.
2. Dr. Yasin Awil Elmi – Subspecialty Training in Arthroscopy and Arthroplasty.
3. Dr. Ahmed Abdi Hersi – Pulmonology and Critical Care Medicine Subspecialty Training.
4. Dr. Yasin Jirde Kayse – Advanced Training in Clinical Nephrology and Kidney Replacement Therapies.
5. Dr. Afnan Abdirahman Mohamed – Advanced Medical Training in Breast and Laparoscopic Surgeries.

Maamulka Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa bogaadiyay dadaalka dhakhaatiirtan ee horumarinta aqoontooda, isaga oo xusay muhiimadda ay aqoon-korodhkoodu u leeyahay tayaynta adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada. Maamulku waxay sidoo kale uga mahadnaqeen Dawladda Taiwan iyo gaar ahaan safaaradda Taiwan ee Hargeysa taageeradooda ay u sameeyaan horumarinta kaabayaasha caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Xafiiska Warbaahinta
Cusbitaalka Guud
ee Hargeysa

20/10/2026

War-Saxafadeed Ay Soosaareen Maamulka Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa.

18/10/2026

Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo 18-ka Oktoobar laga xusay Maalinta Caalamiga ah ee Dhaawacyada (World Trauma Day).

Munaasabaddan ayaa lagu muujiyey muhiimadda ay leedahay ka hortagga dhaawacyada, daryeelka degdegga ah ee bukaannada iyo kor u qaadista wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dhaawacyada ka dhasha shilalka gaadiidka iyo xaaladaha degdegga ah.

Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo Xusay Maalinta Caalamiga ah ee Dhaawacyada (World Trauma Day)Cusbitaalka Guud ee Hargeys...
18/10/2026

Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo Xusay Maalinta Caalamiga ah ee Dhaawacyada (World Trauma Day)

Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa maanta, 18-ka Oktoobar, xusay Maalinta Caalamiga ah ee Dhaawacyada (World Trauma Day), oo sannad kasta loo asteeyo kor u qaadista wacyiga bulshada ee ku saabsan ka hortagga dhaawacyada iyo badbaadinta nolosha dadka.

Maalintan ayaa muhiimad weyn u leh xoojinta dadaallada lagaga hortagayo shilalka iyo dhaawacyada, iyo sidoo kale kor u qaadista muhiimadda gurmadka degdegga ah iyo helitaanka adeeg caafimaad oo tayo leh oo waqtigiisa ku habboon.

Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa door muhiim ah ka qaata daryeelka iyo daaweynta bukaannada dhaawacyadu soo gaadhaan, isaga oo dadaal ugu jira sidii bulshada loo siin lahaa adeegyo caafimaad oo hufan.

Xuska maalintan ayaa bulshada xusuusinaya in taxaddarka, wacyiga iyo gurmadka degdegga ahi ay laf-dhabar u yihiin badbaadinta nolosha iyo yaraynta khasaaraha ka dhasha dhaawacyada.

Xafiiska Warbaahinta
Cusbitaalka Guud ee Hargeysa

17/10/2026

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Dhaawacyada Adduunka oo laga xusay Cusbitaalka guud ee Hargeysa. Xuskan oo ujeedadiisu tahay kor u qaadidda wacyigelinta ku saabsan ka hortagga dhaawacyada, bixinta daryeelka caafimaad ee degdegga ah, iyo maaraynta dhaawacyada.

Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa,Agaasimaha Cusbitaalka Dr. Axmed-wali Daahir Xaddi, ayaa ka qayb galay Shirweyna...
12/10/2026

Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa,

Agaasimaha Cusbitaalka Dr. Axmed-wali Daahir Xaddi, ayaa ka qayb galay Shirweynaha Caymiska Somaliland (Somaliland Insurance Summit & Expo 2026) ee ka qabsoomay magaalada Hargeysa.

Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa sidoo kale door muhiim ah ka qaatay adeegyada caafimaad ee shirka, isaga oo baadhitaanno caafimaad oo kala duwan u sameeyey dadkii ka soo qayb galay. Baadhitaannada la sameeyey waxa ka mid ahaa:
1. Baadhitaanka macaanka (Sonkorowga).
2. Baadhitaanka dhiig-karka.
3. Baadhitaanka sambabada

Ka-qaybgalka Cusbitaalka Guud ee Hargeysa waxa uu muujinayaa sida ay uga go'an tahay bixinta adeegyo caafimaad oo tayo leh, kor u qaadista wacyigelinta caafimaadka iyo ka-qaybqaadashada hawlaha bulshada.

Xafiiska Warbaahinta
Cusbitaalka Guud ee Hargeysa

10/10/2026

Cusbitaalku wuxuu ushaqeeyey 14,380 bukaan, sagaalkii bilood ee u h**eeyey sannadka 2026-ka - Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka guud ee Hargeysa Dr. Axmed-weli Daahir Xaddi.

CUSBITAALKA EE HARGEYSA OO KA QAYB QAATAY MUNAASIBADDA XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE CAAFIMAADKA MAANKA OO AY WADAJIR I...
10/10/2026

CUSBITAALKA EE HARGEYSA OO KA QAYB QAATAY MUNAASIBADDA XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE CAAFIMAADKA MAANKA OO AY WADAJIR ISKAGA KAASHADEEN WASAARADDA CAAFIMAADKA JSL, JAAMACADDA HANUUN & HUMANITY INCLUSION (HI).

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Waaxda Caafimaadka Maanka, oo kaashanaysa Jaamacadda Hanuun, isla markaana ay qayb ka ahayd hay’adda Humanity & Inclusion (HI), ayaa qabatay munaasibadda xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Maanka, taas oo ujeeddadeedu tahay kor u qaadista wacyiga bulshada ee muhiimadda caafimaadka maanka, ka hortagga xanuunnada maanka iyo xoojinta adeegyada daryeelka caafimaadka maanka.

Munaasibadda ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda JSL, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in caafimaadka maanka la siiyo mudnaanta uu mudan yahay, lana xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka maanka iyo wacyigelinta bulshada.

Sidoo kale Munaasibadda waxa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, Agaasimaha iyo Agaasime-ku-xigeenka Waaxda Caafimaadka Maanka, wakiillo ka socday hay’adaha iyo jaamacadaha Wasaaradda kala shaqeeya horumarinta adeegyada caafimaadka maanka, hawlwadeennada caafimaadka maanka, dhakhaatiir, khubaro caafimaad iyo marti-sharaf kale.

Intii ay munaasibaddu socotay, waxa lagu adkeeyey muhiimadda caafimaadka maanku u leeyahay caafimaadka guud ee qofka, baahida loo qabo wacyigelinta bulshada, ogaanshaha h**e iyo daaweynta xanuunnada maanka, iyo sidii loo xoojin lahaa taageerada dadka la nool xanuunnada maanka. Waxa sidoo kale la muujiyey muhiimadda ay leedahay in la yareeyo takoorka iyo ceebaynta la xidhiidha xanuunnada maanka, si dadka u baahan adeegyada caafimaadku ay si xor ah u raadsadaan daryeelka ku habboon.

Iskaashiga Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Jaamacadda Hanuun iyo hay’adda Humanity & Inclusion (HI) ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo wacyigelinta, aqoonta iyo adeegyada caafimaadka maanka, iyadoo la xoojinayo wada-shaqaynta hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya daryeelka caafimaadka bulshada.

Munaasibadda ayaa waxaa ugu dambayn soo xidhay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii wadista dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka maanka, xoojinta wada-shaqaynta bahwadaagta iyo kor u qaadista wacyiga bulshada.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL waxa ka go’an xoojinta adeegyada caafimaadka maanka, horumarinta tayada daryeelka iyo la shaqaynta hay’adaha iyo jaamacadaha bahwadaagta la ah, si bulshada Somaliland ay u hesho adeegyo caafimaadka maanka oo tayo leh, la heli karo, isla markaana daboolaya baahiyaha dadka.

Caafimaadka maanku waa qayb lama huraan u ah caafimaadka guud. Daryeelkiisu waa masuuliyad ina wada saaran.

Degmada Darasalaam oo lagu wareejiyey gaadhi ambulance ah iyo agab caafimaadWaxaa degmada Darasalaam ee waqooyiga magaal...
09/10/2026

Degmada Darasalaam oo lagu wareejiyey gaadhi ambulance ah iyo agab caafimaad

Waxaa degmada Darasalaam ee waqooyiga magaalada Hargeysa ka qabsoontay munaasabad lagu wareejinayey gaadhi ambalaas ah iyo agab caafimaad oo isugu jira dawooyin iyo qalab kale oo muhiim u ah adeegyada caafimaadka degmada.

Munaasabadda waxa ka soo qaybgalay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Dr. Cabdi Aw-Daahir, Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, Dr. Axmed-wali Daahir Xaddi, Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Maroodijeex iyo maamulka degmada Darasalaam.

Gaadhiga ambalaaska oo ay h**e u lahayd degmada Darasalaam ayaa dayactir iyo diyaar-garow loogu sameeyey Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, si dib loogu hawlgeliyo, ugana qayb qaato daryeelka bukaannada, gurmadka degdegga ah iyo fududaynta gaadiidka caafimaadka ee bulshada degmada.

Sidoo kale, agabka caafimaad ee la wareejiyey ayaa la filayaa inuu ka qayb qaato xoojinta adeegyada caafimaadka iyo daboolidda baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada degmada Darasalaam.

Waftigu waxa uu uga mahadceliyey maamulka degmada Darasalaam soo dhawaynta diirran ee loo sameeyey. Waxa kale oo ay masuuliyiintu ballanqaadeen in ay yeelan doonaan wada-shaqayn dhow oo joogto ah oo dhex marta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Cusbitaalka Guud ee Hargeysa iyo maamulka degmada Darasalaam, si loo horumariyo adeegyada caafimaadka, kor loogu qaado tayada daryeelka bukaannada, loona fududeeyo helitaanka gurmad caafimaad oo degdeg ah.

Tallaabadani waxay qayb ka tahay dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka iyo xoojinta iskaashiga hay’adaha caafimaadka iyo maamulka degmooyinka, si bulshada loo gaadhsiiyo adeeg caafimaad oo tayo leh, la isku hallayn karo, kana jawaaba baahiyahooda.

Xafiiska Warbaahinta
Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa

09/10/2026

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Dr. Cabdi Aw Daahir Iyo Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, Dr. Axmed-wali Daahir Xaddi Oo Degmada Darasalaam ku wareejiyey gaadhi ambulance ah iyo agab caafimaad.

Address

Hargesa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hargeisa Group Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share