Dr. Taano

Directions Contact the business

Dr. Taano BARNAAMIJKA WACYIGALINTA CAAFIMAADKA BULSHADA SOOMAALIYEED.

07/10/2026

WACYIGELIN: EBOLA – KENYA laga helay.

Kenya waxaa laga xaqiijiyey kiis Ebola ah (Bundibugyo virus disease).
bulshada ha feejignaato, balse ha argagixin.
Ebola wuxuu ku faafaa taabashada dhiigga iyo dheecaannada jirka qof qaba cudurka ama waxyaabaha uu wasakheeyey.
-Calaamadaha: qandho, daal, madax/murqo xanuun, matag, shuban iyo mararka qaar dhiig-bax.
-Gacmaha dhaq, kana fogow dhiigga/dheecaannada qof buka iyo meyd looga shakisan yahay Ebola.
- Qof leh calaamado iyo xiriir/safar meel Ebola ka jiro → si degdeg ah ula xiriir xarun caafimaad.

Wacyigelinta , ogaanshaha h**e iyo go’doominta bukaanka ayaa muhiim u ah joojinta faafitaanka.

Barnaajika wacyigalinta- Dr.Taano

30/09/2026

Akhri oo ka faa’idayso .


QALLIINKA HUNGURIGA — ESOPHAGECTOMY.

Esophagectomy waa qalliin lagu saaro qayb ama dhammaan hunguriga, dabadeedna dib loogu dhiso marinka cuntada.

Sababaha loo sameeyo waxaa ka mid noqon kara: Kansarka hunguriga. Kansar ku fiday qaybta sare ee caloosha. Cidhiidhi ama xannibaad daran oo hunguriga ah . Dhaawac ama cudur sababay in hungurigu si weyn u dhaawacmo.

Qalliinkan wuxuu ku habboon yahay bukaanno si taxaddar leh loo xulay, gaar ahaan kuwa caafimaadkoodu u saamaxayo qalliin weyn, cudurkuna ku kooban yahay meel laga saari karo ama lagu daaweyn karo. Qof kasta oo qaba liqidda oo ku adkaata ama calaamado kale si toos ah uguma habboona esophagectomy; marka h**e waxaa loo baahan yahay baaritaanno iyo qiimayn dhammaystiran.

Go’aanka qalliinka waxaa gaara dhakhtar takhasus leh, badanaa koox caafimaad oo ka kooban dhakhtar qalliin, dhakhtar kansar, dhakhtar suuxdin iyo khubaro kale. Waxay qiimeeyaan nooca iyo heerka cudurka, caafimaadka guud ee bukaanka, iyo fursadaha daaweynta kale.

La tasho dhakhtar takhasus leh si aad u hesho baaritaan iyo talo caafimaad.

Haddii aad h**ey isu baartid ,fursad daaweyn oo wanaagsan ayaa jirta.

DHIIG-KARKU BADANAA CALAAMAD MA LAHA!Qofku wuxuu yeelan karaa dhiig-kar isaga oo aan dareemayn wax calaamad ah. Sida kel...
09/09/2026

DHIIG-KARKU BADANAA CALAAMAD MA LAHA!

Qofku wuxuu yeelan karaa dhiig-kar isaga oo aan dareemayn wax calaamad ah. Sida keliya ee lagu ogaan karo waa in si sax ah loo cabbiro cadaadiska dhiigga.

Si aad khatarta u yarayso:
1-Iska yaree milixda badan
2-Cun khudaar iyo miro badan
3-Samee dhaqdhaqaaq jireed joogto ah
4-Ka fogow sigaarka
5-Daawada laguu qoray ha joojin adigoon dhakhtar la tashan
6-Si joogto ah u cabbir cadaadiska dhiigga

Xasuusin : Raadi gargaar caafimaad oo degdeg ah haddii dhiig-karku aad u sarreeyo oo ay la socdaan laab-xanuun, neefsashada oo kugu adkaata, madax-xanuun daran, wareer ama aragga oo isbeddela.

Maanta cabbir cadaadiska dhiiggaaga—ogaanshaha h**e wuxuu ka hortagi karaa wadne-qabad, istaroog iyo dhaawaca kelyaha.

Dr. Cabdi Faarax Taan( Dr.Taano, Shaafi Hospital )

Innaa lillahi wa innaa illayn I raajicuun. Allaah ha u naxariisto adeer Cabd Faarax Qashiin.Sabar iyo iimaanna ha ka sii...
06/09/2026

Innaa lillahi wa innaa illayn I raajicuun. Allaah ha u naxariisto adeer Cabd Faarax Qashiin.
Sabar iyo iimaanna ha ka siiyo dhammaan qoyska reer Cabdi Faarax iyo Ummadda Soomaaliyeed .

31/07/2026

Wacyigalinta Cagaarshowga

Shalay 08/07/2026 iima ahayn maalin aan illoobi karo. Waxaa dhakhaatiir noqdayWiilkayga Dr. Subayr  iyo wiilkaan adeerka...
09/07/2026

Shalay 08/07/2026 iima ahayn maalin aan illoobi karo. Waxaa dhakhaatiir noqday
Wiilkayga Dr. Subayr iyo wiilkaan adeerka u ahay Dr. Jamac Shafici .
Waxay nasiib u yeesheen inay ka qalinjabiyaan Medipol University ( one of the university in Turkey).
Allaah ha idinka dhigo kuwo dadkooda iyo dalkooda anfaca. Diintiinana allaah idin k**a fidneeyo.

03/06/2026

MUQDISHA DAGAAL TABAR UMA HAYSO !!

Address

SHAAFI HOSPITAL
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr. Taano posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dr. Taano:

Shortcuts

Share