Dr.Siraaji

Call Directions Contact the business

Dr.Siraaji 🧑‍🦱Ophthalmology | Medicine | Research
👁️Dedicated to protecting sight
🔬Evidence-Based Medicine
🌍Serving Humanity through knowledge, compassion & excellence

In the theatre, focus is everything. 👁️🔬Qaliinkasto oo lagu sameeyo Microscope wuxu u baahan yahay saxnaan, taxadar, dul...
15/09/2026

In the theatre, focus is everything. 👁️🔬

Qaliinkasto oo lagu sameeyo Microscope wuxu u baahan yahay saxnaan, taxadar, dulqaad iyo gacmo deggan - waa qiyamka aan ku dadaalo inaa ku dabaqo qaliin kasto oo aan sameeyo.

Grateful for the tools, the team, and the trust patients place in us to restore and protect their sight.

Dr.Siraaji

Bukankan wexe ka mid aheed bukaanadii aan shalay qaliinka u sameyay, nooca qaliinka aan u sameynay waxa la dhahaa Pteryg...
09/09/2026

Bukankan wexe ka mid aheed bukaanadii aan shalay qaliinka u sameyay, nooca qaliinka aan u sameynay waxa la dhahaa Pterygium Excision with Conjunctival Autograft, oo ah nooca qaliin ee ugu feecan qaliinada lagula tacaalo xaafadahan cudurka Pterygium.

Sakay ayaan dib u hubiyay, Alxamdu lilah wuxu ahaa qaliin guulestay wax kastana wexe ahayeen sidii aan jeclaa, dawooyin ayan qoray waxana u sheegay in ay aadi karto gurigeeda, isbuuc kadibna ay iso laabto for Review .

Pterygium waa nooc ka mid ah hilbaha indhaha kaso baxo, badanaa wuxu kaso baxaa dhanka sanka xigo wuxuna ku faafaa dhanka bu’da madow ee isha (Cornea). hilibkan faafidiisa wexee gaari kartaa Visual axis ka, asagoo sababi karo Araga oo xumaado Astigmatism. Marxaladas hadii uu gaaro xalka ugu fiican waa qaliin.

Pterygium waxaa keeno xaalado mudo dheer is biirsaday, oo ay kow ka tahay qoraxda (UV exposure), ciida iyo Boorka, dabeesha xiliga xuleylaha oo indhaha
Kaga dhacdo, indho qaleel soo noqnoqday.

Malaga hor tagi karaa ?

Haa, Xerashada ookiyahala qoraxda (UV protective Sunglasses) wexe yareen karaan qatarta, sidoo kale in aadan socon xiliyada qoraxda aadka u kulushahay, boorka iyo ciida inaa indhaha ka ilaashato, hadii aad qabto indho qaleel in aad iska daweysid. Dhamaan talabooyinkaas waa kuwo yareen karo qatarta uu ku sameesmi karo Hilbaha Pterygium.

Dr.Siraaji

Waa 7 jir, wexe ka cabaneysay Indho cun cun, indhaha oo gaduuto, ilmo ka socoto, iftiinka oo dhibaa. Sida ay hooyadeed i...
07/09/2026

Waa 7 jir, wexe ka cabaneysay Indho cun cun, indhaha oo gaduuto, ilmo ka socoto, iftiinka oo dhibaa. Sida ay hooyadeed ii sheegtay ilmahaa yari Mudo sadax sano ayuu sidaas ahaa.

Baaris kadib waxaa iso baxday in bukaankan qabto Vernal Keratoconjunctivitis (VKC) oo ah xasaasiyad soo noq noqotay mudo dheer saameyna ku yeelatay xuubka sare ee araga (Cornea).

Kadib markaan hubiyay in aysan dawooyinkii ay horay uso qaadatay aysan wax yeelo gaarsiin shabakada gadaalo ee araga, Waxaan ku qoray dawooyin ku haboon oo aan leheen qatar hor leh, sidoo kale waxaan siiyay timaamo ay ku mareyn karto xasaasiyada indhaha. Waxaa rajenaa ineey aad u caawin doonan dawoyinkaas iyo tilmaamahaas wax ku oolka ah.

Hadaba Aqristow waxaa mudan in aad xasuusnato hadii mudo dheer qofka uu qaato goojoyinka Steroid ka ah ee xasaasiyada lagu daweeyo ay sababi karaan in indhaha biyo ku furmaan (steroid induced Glaucoma) ama caad indhaha daboolo (Steroid induced cataract) iyo waxyeeloyin badan oo ay sababi karaan goojoyinka Steroid ka ah.

Fadlan hadii aad xasaasiyada indhaha qabto ama ilmahaada ay qabaan waxaa kula gudboon inaa tagto dhaqtar indho aadan iska isticmaalin dawooyin aadan garaneen qatarta kaga imaan karo heerka ay gaarsiisan tahay.

Hadii dhaqtar indho kuu dhaween ama aadan awoodin inaa tagto samee talaaboyinkaan hoose.

1. Ogow ama baar waxa xasaasiyada indhaha kugu kiciyo, kana fogow waxaas xasaasiyada indhaha kaaga kicinaa.

2. Maro nadiif ah soo qaado dhex gali biyo qabow kadibka indhaha isku qabso kadib baarka idhaha dushooda saar maradii oo qabow (Cold compresses)

3. iska ilaali inaad indhaha aad u maraamaro ama xoqdid sababto ah ficilkaas wuxu kugu keeni karaa cudur hor leh oo la dhaho Keratoconus kaas oo qatar galin doono aragada.

FG: Xasaasiyada ma lahan daawo dabar goyso ee ka fogow waxa aad xaasiyada ku qabto.

Dr.Siraaji

04/09/2026

Mamadan waa 70jir wexe ka cabaneesay araga isheeda bidix oo yaraaday, baritaan kadib waxa iso baxday in isheda shabakada gadaalo aay kaso fuqday darbiga kore, Retinal Detachment.
Dr.Siraaji

Waa 6 sano jir uu soo gaaray dhawac cid ku dhufatay aan la aqoon. Sida hooyadii ii sheegtay cunugeeda, talaado abaaro 8:...
03/09/2026

Waa 6 sano jir uu soo gaaray dhawac cid ku dhufatay aan la aqoon. Sida hooyadii ii sheegtay cunugeeda, talaado abaaro 8:10pm habeen nimo ayuu bananka u baxay.

Wax yar kadib wexe maqashay ilmo ooynaa hadee bananka uso baxdaba waa cunugeedi oo isha midig dhawac kaga yaal dhiig badan ka socdo.

Islamarkiiba xarun caafimaad oo u dhaw ayee ula carartay, wexe isku dayeen inee la tacalaan balse markii danbo wexey uso Referral gareyen isbitalka aan joogo.

Maanta ayu iso gaaray, Ishu aad ayee u bararsaneed, waxaan isku dayay inaa Examination u sameeyo oo aan bu’da isha fiiriyi lakiin xanuunka haayay dartiis ishiisa waan taban wayay, waxaan ku qasbanaday in aan wacno Suuxiye sida sedation loogu sameeyo.

Waxaan guda galnay Examination Under Anesthesia (EUA), wixi aan fileynay wax ka daran ayaan la kulanay, markii h**e preseptal cellulitis kaliya filayay iyo in bu’da ishu nabad qabto.

Lakiin sidaas ma noqon bu’da wey dilaacsaneed, corneada we bararsaneed, Isha (A/C) dhiig ayaa gudaha h**e uga jiray, Iriska qeyb ahan bananka ayu yalay, caabuqna wee qaaday, xaalka wuxu isku badalay Endopthalmitis.

Dawooyin xoogan oo xididka laga qadanaa u qornay, wuxuna sii jiifi donaa isbitaalka, si dhawna xaalkiisa waan ula socon donaa.

Tani waa natiijada dhagxaanta habeenkii la turaa ee aan la aqoon qofka ay ku dhacaan, waalidow ilmihiina ka waaniya inee dhagax turaan, habeenkiina xili h**e so xareesta ilmahiina.

Dr.Siraaji .

Ilmahaa yari waa 3bil jir hooyadii ayaa maanta Isbitalka nogu keentay. Hooyada wexe ka cabaneysay in ilmaheeda yari indh...
24/08/2026

Ilmahaa yari waa 3bil jir hooyadii ayaa maanta Isbitalka nogu keentay.

Hooyada wexe ka cabaneysay in ilmaheeda yari indhaha isku qabto oo uusan kala fureen, hadii uu kala furana ay ilmo ka socoto, isla markaana indhihiisa u ekeen indhaha ilma da’diisa ah oo ay ka duwanyihin sidaasna uu ku dhashay.

Baaritan yar kadib waxa iso baxday in ilmaha yari qabo Congenital Glaucoma oo ah cudur lagu dhasho aydoo indhaha Biyo kufurmeen.

Congenital Glaucoma waa cudur dhif iyo nadir ah lakiin sababi karo indho la’aan joogto ah hadii aan la ogaan xili h**e oo aan lala tacaalin.

Hadaba waalid kasto waxaa la gudboon marka ilmo u dhasho in uu booqdo dhaqtarka indhaha isla markaana la hubiyo caafimadka indhaha ilmaha kuu dhashay.

Dr.Siraaji

Wexee aheed sagootin qiimo badan.Waxanu Sogotinay Prof Adam Mohamed Ahmed oo dalkiisa Sudan dib ugu laaban doono. Prof k...
10/06/2026

Wexee aheed sagootin qiimo badan.
Waxanu Sogotinay Prof Adam Mohamed Ahmed oo dalkiisa Sudan dib ugu laaban doono. Prof ka ayaa kula dardarmay dhaqatiirta Indhaha ee Ardaydiisa aheed in ay u gutaan Amaanada Cilmiga si dacad ah, masuuliyad ku dhisan. Ardayda ayaa dhankooda balan qaadan in dhaxalka Profka gaarsiin donaan Wadamada ay ka yimadeen.

Waxan rajenaa sidoo kale Ane inaa Cilmigaas dhaxalka ah u gudbin doono dhaqatiirta Indhaha ee jiilalka Mustaqbal.

Eye outreach camp with my Mentors - Prof. Adam & Prof. Han - at Mubanda.
23/04/2026

Eye outreach camp with my Mentors - Prof. Adam & Prof. Han - at Mubanda.

09/10/2025

Wexee inoo timid aydoo Humaaga Gacanta kaliya Aragto (HM). Qaliin indho fiiqis 'Cataract Surgery' ah kadib Wexe inaga tagtay ayadoo meel fog wax ka arkeeso (6/18).

Wuxu ahaa qaliin guulestay Allaa ku Mahadsan.

Dr.Siraaji
.

Mpox virus waa Cudur ku dhici karo qof kasto waxaa lagu kala qadaa Taabashada.Calaamadaha cudurkaan waxa ka mid ah, Qand...
17/08/2024

Mpox virus waa Cudur ku dhici karo qof kasto waxaa lagu kala qadaa Taabashada.

Calaamadaha cudurkaan waxa ka mid ah, Qandho, Nabro jirka oo dhan ah, madax xanuun iyo qanjirada oo ku bararo.

Cudurkaan wuxu si xowli ah ugu faafi hayaaa wadamada Bartamaha Africa sido kale waxaa laso wariyay in lagu arkay qaar ka mid ah wadamada Bariga Africa sida Uganda iyo Kenya.

Fadlan hadii aad isku aragto calamahadaha Virus ka Mpox sida ugu dhaqsiyaha badan u tag goobaha caafimadka, kana fogow xubnaha qoyskada si adan cudurka u faafin.

Dr.Siraaji

Address

Mogadishu

Telephone

+252617077873

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr.Siraaji posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dr.Siraaji:

Shortcuts

Share