Galgadud Regional Referral Hospital-GRRH

Call Directions Contact the business

Galgadud Regional Referral Hospital-GRRH Galgadud Regional Referral Hospital is the main referral & teaching hospital in Dhusamareb, Galmudug Somalia.

The hospital operates under a Public Private Partnership (PPP) arrangement between the Government of Galmudug State & Afro Healthcare Company.

HESHIIS ISKAASHI OO DHEXMARAY ISBITAALKA GOBALKA GALGADUUD IYO ISBITAALKA TAKHASUSIGA MOGADISHUMogadishu Somalia, Novemb...
09/11/2026

HESHIIS ISKAASHI OO DHEXMARAY ISBITAALKA GOBALKA GALGADUUD IYO ISBITAALKA TAKHASUSIGA MOGADISHU

Mogadishu Somalia, November 07, 2026

Galgadud Regional Referral Hospital (GRRH) iyo Mogadishu Specialist Hospital (MSH) ayaa si Rasmi ah u Kala Saxiixday Heshiis Iskaashi oo Ku Saabsan Tayeynta Shaqaalaha Caafimaadka iyo Wadashaqeynta Guud si Loo Hormariyo Caafimaadka Galmudug.

Heshiiskan Wuxuu Shaqaalaha Isbitaalka Gobalka Galgadud u Oggolaanayaa inay Tababaro Ku Qaataan Mogadishu Specialist Hospital. Sidookale, Heshiiskaani Wuxuu Suurtagelinayaa Wadashaqeyn Guud oo u Dhaxeysa Labada Isbitaal Sida in Qiimo Dhimis Ka Helaan Isbitaalka Mogadishu Bukaanada Xaaladaha Adag Ku Jira ee aan Waxba Loogu Qaban Karin Isbitaalka Gobalka Galgaduud.

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA IYO DARYEELKA BULSHADA XFS MUDANE DR. ALI HAJI ADAM OO BOOQASHO KU TEGAY DHISMAHA CUSUB ...
08/11/2026

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA IYO DARYEELKA BULSHADA XFS MUDANE DR. ALI HAJI ADAM OO BOOQASHO KU TEGAY DHISMAHA CUSUB EE ISBITAALKA GOBOLKA GALGADUUD

Maamulka Isbitaalka Gobolka Galgaduud ayaa maanta Isbitaalka ku soo dhaweyey Wasiirka Wasaarada Caafimaada iyo Daryeelka Bulshada XFS, Mudane Dr Ali Haji Adam, oo ay wehlinayaan Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Galmudug Mudane Dr Abdiweli Abdullahi Jamac iyo Agaasimaha Guud Wasaarada Caafimaadka Galmudug Mudane Dr Abdiweli Mohamed Ahmed.

Intii ay booqashadu socotay, mas’uuliyiinta ayaa lagu soo wareejiyay dhismaha qeybta cusub ee Isbitaalka oo loo dhisay qaab casri ah iyagoo u kuurgalay qeybaha dhismaha sida qeybta Gargaarka Degdega ah, Qeybta Bukaan Jiifka, Saalada Qaliinka iyo Qeybta Daryeelka Xaaladaha Gaarka ah.

Booqashadan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray waxyaabaha ka dhiman dhismaha Isbitaalka iyo caqabadaha ku geedaaman si loo helo adeeg tayo leh oo dhameystiran.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS, Dr Ali Haji Adam ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Hay’adda UNOPS iyo shirkadda Buruuj oo gacanta ku haysay hirgelinta mashruucan, dadaalka iyo wada-shaqeynta ay muujiyeen.

31/10/2026

Agaasimaha Isbitaalka Gobolka Galgaduud Dr Abdullhi Mohamed Mohamud oo ka soo qeybgalay madal lagu dhiiragelinaayey shaqaalaha isbitaalka ayaa uga mahadceliyay dadaalka iyo shaqa wanaagooda.

Maamulka Isbitaalka Gobolka Galgaduud ayaa qabtay munaasabad dhiirrigelin iyo bogaadin ah oo lagu maamuusay shaqaalaha d...
31/10/2026

Maamulka Isbitaalka Gobolka Galgaduud ayaa qabtay munaasabad dhiirrigelin iyo bogaadin ah oo lagu maamuusay shaqaalaha dadaalka iyo firfircoonida muujiyay, laguna sagootiyay qaar ka mid ah shaqaalaha oo aqoon-kororsi u aadaya magaalada Muqdisho.

Intii ay munaasabaddu socotay, waxaa shahaado-sharafyo la guddoonsiiyay qaar ka mid ah shaqaalaha ugu firfircoonaa Isbitaalka saddexdii bilood ee la soo dhaafay, kuwaas oo lagu aqoonsaday dadaalkooda iyo hufnaanta shaqo ee ay muujiyeen.

Munaasabadda ayaa lagu sagootiyay shaqaale ka tirsan Isbitaalka oo dhawaan magaalada Muqdisho u aadaya aqoon-kororsi, si ay u kobciyaan aqoontooda iyo xirfadahooda shaqo.

Munaasabaddan ayaa qayb ka ah dadaallada maamulka Isbitaalka ee lagu xoojinayo isfahamka, xiriirka iyo wada-shaqeynta xirfadeed ee shaqaalaha, iyo sidoo kale dhiirrigelinta dadaalka iyo horumarinta kartida shaqaalaha.

Maamulka Isbitaalka Gobolka Galgaduud ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay horumarinta tayada adeegyada caafimaadka, kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha iyo dhiirrigelinta hawlwadeennada caafimaadka ee ka shaqeeya duruufaha adag ee dalka ka jira.

Maamulka isbitaalka Galgadud Regional Referal Hospital ayaa qaarkamida shaqaalaha isbitaalka u qabtay tababar sare loogu...
20/10/2026

Maamulka isbitaalka Galgadud Regional Referal Hospital ayaa qaarkamida shaqaalaha isbitaalka u qabtay tababar sare loogu qaadaa aqoonta iyo xirfiddaha shaqaalaha (Continuing Medical Education-CME).

Tabarkaan oo ku saabsanaa maaraynta bukaanada qaba fuuqbaxa oo uu bixinayay Dr. Abdirahman Omer Beerey ayuu kula dardaarmay shaqaalaha ineey dib ugu celiyaan bukaanada kuna dadaalaan badqabka iyo badbaadinta bukaanka, Maamulka Isbitaalka Gobolka Galgaduud ayaa diiradda saaraya sare u qaadidda xirfada shaqaalaha.

Wafdi ka socday Hey'adaha Islamic Help Türkiye, Simply Aid UK, Isbitaalka Mogadishu Specialist Hospital (MSH) iyo Somlab...
07/09/2026

Wafdi ka socday Hey'adaha Islamic Help Türkiye, Simply Aid UK, Isbitaalka Mogadishu Specialist Hospital (MSH) iyo Somlab Diagnostics oo booqasho ku tagay isbitaalka Gobolka Galgaduud (Galgadud Regional Referral Hospital-GRRH).

Maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka Gobolka Galgaduud (Galgadud Regional Referral Hospital-GRRH) ayaa Isbitaalka ku soo dhaweeyay wafdiga, iyagoo booqasho ku tageen qeybaha kala duwan ee Isbitaalka iyagoo si dhaw ugu kuurgalay adeegyada isbitaalka ka socda.

Waxaa la ogeysiinaa dhamaan bulshada kunool Dhuusamareeb iyo nawaaxigeeda in Dr. Abdullhi Abdi oo ah dhaqtarka Cunaha, D...
06/05/2026

Waxaa la ogeysiinaa dhamaan bulshada kunool Dhuusamareeb iyo nawaaxigeeda in Dr. Abdullhi Abdi oo ah dhaqtarka Cunaha, Dhagaha iyo Sanka inuu isbitaalka imaanayo 9-5-2026.

Dr Ciyow oo ah Dhaqtarka Nerfaha iyo Dhimirka ayaa barri ka howlgalaa isbitaalka.
26/04/2026

Dr Ciyow oo ah Dhaqtarka Nerfaha iyo Dhimirka ayaa barri ka howlgalaa isbitaalka.

Guddoomiyaha Degmada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimadda Galmudug, Mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda Qoroow), oo uu ...
07/03/2026

Guddoomiyaha Degmada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimadda Galmudug, Mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda Qoroow), oo uu weheliyo Agaasimaha Isbitaalka Gobolka Galgaduud Dr. Abuukar Farah, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay dhismaha Isbitaalka Weyn ee Gobolka Galgaduud, kaas oo dhismihiisu si wanaagsan uga socdo magaalada Dhuusamareeb, isla markaana maraya Heerar gabagabo ku dhow.

Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd qiimeynta Heerka uu marayo dhismaha Isbitaalka, oo loo dhisayo qaab casri ah, laguna talagalay inuu noqdo xarunta caafimaad ee ugu weyn gobolka Galgaduud. Isbitaalka Gobolka ayaa dabooli doona baahi weyn oo muddo dheer ka jirtay gobolka, isaga oo bulshada u sahli doona helitaanka adeegyo caafimaad oo tayo leh.

Intii uu kormeerku socday, Guddoomiyaha Degmada Dhuusamareeb ayaa warbixinno faahfaahsan ka dhageystay Agaasimaha Isbitaalka iyo injineerrada gacanta ku haya dhismaha, kuwaas oo sharaxaad ka bixiyay marxaladaha kala duwan ee uu marayo dhismaha, tayada shaqada socota iyo qorshaha lagu dhammaystirayo.

Guddoomiyaha ayaa ku bogaadiyay maamulka iyo howl-wadeennada ka shaqeynaya Isbitaalka dadaalka ay muujiyeen, isaga oo xusay in Isbitaalkani door weyn ka qaadan doono horumarinta adeegyada caafimaad ee gobolka Galgaduud iyo guud ahaan dowlad-goboleedka Galmudug.

OGEYSIIS: Waxaa La Ogeysiinayaa Dhamaan Bulshada Ku NoolDegmada Dhuusamareeb lyo Nawaaxigeeda In Isbitaalka Gobolka uu K...
25/01/2026

OGEYSIIS:
Waxaa La Ogeysiinayaa Dhamaan Bulshada Ku Nool
Degmada Dhuusamareeb lyo Nawaaxigeeda In Isbitaalka Gobolka uu Ka Hawl Bilaabayo Dr.ciyow Oo Ah
Dhaqtar Ku Xeeldheer Cudurada Neerfaha lyo Dhimirka

Address

Mogadishu
252

Telephone

+252610654000

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Galgadud Regional Referral Hospital-GRRH posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Galgadud Regional Referral Hospital-GRRH:

Shortcuts

Share